Shacabka iyo Ganacsatada Magalada Wajeer Oo ka Cabanaya Koronto La’aan

Magaalada Wajeer oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Waqooyi bari Kenya ayaa waxaa ka jira koronto la’aan saameyn adag ku yeelatay nolosha dadka iyo guud ahaan habsami u socodka ganacsiga deegaanka.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa waxay u sheegeen warbaahinta in hadda xaaladda ay tahay mid dhaaftay in dadka magaaladaas ku nool ay dul usii yeesheen iney sii aqbalaan xaaladdan, waxayna tilmaameen in dhowr jeer ashtako geeyeen shirkadda bixiso quwadda korontada dalka ee KPLC .

Dadka deegaanka ayaa isticmaalaya matoorro, tanina waxay aad kor ugu sii qaadeysaa qarashaadka dadka ay isticmaalayaan, oo aysan xamili karin sida ay u sheegeen warbaahinta.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay mas’uuliyiinta deegaanka oo ku saabsan korontada ka maqan magaalada Wajeer.

Dhinaca kale, ma aha markii uugu horreysay oo ay shacabka magaalada Wajeer ay cabasho noocaan ah soo jeediyaan, hase-ahaatee caqabadda dhinaca korontada ah ayaa dhowr jeer oo hore soo laa laabatay.

Ma’uuliyiinta Ismaamulka Wajeer ayaa dhankooda weli ka hadal xaaladdan jirta.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy