Heemaal News Network

Shacabka Tigrey Oo Looga Digay inay Qariyaan Hogaamiyaasha TPLF Ee Baxsadka ah.

Dowlada Itoobiya ayaa uga digtay shacabka kunool gobolka Tigrey in ay qariyaan hogaamiyaasha iyo saraakiisha kooxda TPLF ee xiligan ku jira baxsadka ayna baadi goob ugu jiraan ciidamada federaalka Itoobiya.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada federaalka ee jooga gobolka Tigrey ayaa shacabka uga digay in ay gabaad siiyaan ama qariyaan saraakiisha iyo hogaamiyaasha baxsadka ah ee loo heesto dagaaladii gobolkaasi ka dhacay.

Shacabka Tigray ayaa saraakiisha ciidamada federaalka ku boorriyeen in hadii ay arkaan xubno katirsan TPLF ay dowladda kusoo wareejiyaan ama ay iska fogeeyaan si aan laftooda loo bartilmaameedsanin.

Waxaa sidoo kale shacabka Tigrey loogu baaqay in ay taageeraan soona dhaweeyaan maamulka cusub ee dowlada usoo magacwday gobolka Tigrey, kuwaa oo la sheegay in wali aysan heysan kalsoonida shacabka Tigrey.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa baadi goob ugu jira saraakiil iyo xubno sar sare oo katirsan Ururka TPLF ee awoodooda la wiiqay, waxaana xubnhaasi qaarkood ku dhuumanayaa magaalooyin kuyaala gobolka Tigrey.

Related posts

Axmed Madoobe Oo Caawa ka Baxay Shirkii Dhuusamareeb Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey.

Heemaall

Gudoomiye Ciro Oo si Adag U Weeraray Xukuumada Biixi.

Heemaall

Taiwan Iyo Somaliland Oo Mar kale kala Saxiixday Heshiis Cusub.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More