Heemaal News Network

Shan Askari Oo Lagu Dilay Rabshadihii Muqdisho Ee Shalay Oo la Shaaciyay

Shaqaale caafimaad ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari lagu dilay iska horimaadyadii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ku dhawaad 10 ruux oo rayid ahna ku dhaawacmeen.

Cabdi Bafo, oo ah dhaqtar ka howlgala isbitaalka Madiina, ayaa Sabtidii maanta sheegay dhimashadan iyo dhaawacanba yimaadeen kaddib markii ciidamada dowladda rasaas ku fureen dad dhigayay dibadbax la xiriira dib u dhaca arrimaha doorashooyinka dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Sabti ah deggan waxaana dib u furay isku socodka dadka iyo gaadiidka kaddib rabshadihii shalay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa wajahaya cadaadis madaama uu dhamaaday muddo xileedkiisii afarta sano oo ku ekeyd 8dii bishan Feberaayo.

Madaxweynuhu kama uusan hadlin rabashidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho hasse ahaatee waxaa arintaa cambaareeyay eedeyn u jeediyay mucaaradka Ra’iisal Wasaare Rooble.

Related posts

Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Somaliland Oo ku Biiray Shirka Musharixiinta Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Ex Wasiir Hinda Gaani Oo Ka Hadashay Xilka Qaadistii Uu M/Biixi Ku Sameeyay Shalay.

Heemaall

Hadal Hayn ka Dhalatay Ciidamo la Mid ah kuwa Maamul-goboleedyada Oo Uu soo Bandhigay M/Biixi.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More