Shaqaalaha Dowladda Somaliya Oo la Amray In Baaritaan Lagu Sameeyo.(Akhriso)

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa amartay in hay’adda nabad sugida ay hubin amni ku sameyso dhammaan shaqaalaha dowladda.

Tallaabadaan oo ah mid aan horey u dhicin, ayaa lagu sheegay in looga golleeyahay sidii looga hortagi lahaa wax kaste oo Qatar ku ah amniga guud.

Hay’adda nabad sugida ee NISA ayaa shaqaale kasta goobtiisa shaqo ugu tagidoonta, si loola yeesho wareysi amniga ku saabsan, waxaana wasaaraddu sheegtay in laga maarmay in shaqaalaha loo diro xabsigii hore Jillacow, si halkaan loogu soo baaro.

Lama oga ujeedada xilligan kusoo beegtay go’aankaan, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa shaki weyn ka qabta in shaqaalaha dowladda ay ku jiraan shakhsiyaad katirsan ama u shaqeeya Al-shabaab.

Haatan waxaa xabsiyada dowladda ku jira shaqaale dowladdeed oo la shaqeeya Al-shabaab, kuwaas oo la wadaagi jiray xogta iyo macluumaadka dowladda.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy