Shaqaale ka Tirsan Heyadda Bisha Cas Oo Lagu Afduubtay Duleedka Magaalada Baydhabo.

Shaqaale ka tiran hay’ada Bisha Case ee Soomaaliyeed ayaa maanta galinkii denbe laga afduubtay deeganaka Busley oo 24km u jira magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Shaqaalahan oo shan qof ka koobnaa ayaa saddex ka mid ah waxa ay ahaayeen dumar iyagoo ku sii jeeday deegaanka Awdiinle oo ay ugu socdeen hawlo shaqo, sida ay sheegeen masuuliyiinta Koonfur Galbeed.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay afduubkan ka dambeysay hase yeeshee waxaa deegaano ka mid ah gobolka Bay ku sugan dagalayahano ka tirsan ururka Al-shabaab.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma ayaa warbahinta u qaxiiyey dhacdadan, wuxuuna sheegay inay afduubkan ku tuhmayaan dagaalyahanada Al Shabaab,islamarkaasina ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay ku soo badbaadiyaan shaqaalahan rayidka ah ee afduubka loo geystey.

Sidoo kale shaqaalaha la afduubtay oo dhammaantood ah Soomaali, waxayna saraakiisha Hay’adda Bisha Cas ay noo sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin falka dhacay.