Shaqaaqo ka Dhacday Duleedka Beledweyne Oo la Xal Laga Gaaray

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee dhanka Maamulka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maadey ayaa gaaray Maanta degaanka Shiir kaceeno oo Beledweyne dhanka waaqooyi ka xiga 20km halkaas oo shalay shaqaaqo sababtay khasaaro ay ka dhacday.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ku guuleystay xalinta Shaqaaqadaas, isaga oo degaankaas kula kulmay dhincayada dagaalmay, waxaana waxgaradka degaanka ku booriyay inay nabadda ka Shaqeeyaan, isla markaana wax walba miiska Wada-hadallada ku dhameeyaan.

“Alle ah u naxariisto dadkii shalay halkaan nooga dhintay inta dhaawaca ah Caafimaad baan u rajeeyay waxaa dhamaan odayaasha Waxgaradka iyo dadka degaanka aan ugu baaqayaa Nabad ayuu yiri” Guddoomiye Abuukar.

Xisada ayaa ka dhalatay sida la sheegay dhul ku yaalla degaanka lagu dagaalamay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy