Heemaal News Network

Shariif Oo Dalbaday In Fagaare Lagu Maxkamadeeyo Askaragii Rasaasta Ku Riday Gabadha

Kadib kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa shirkaas kadib warbaahinta la hadlay guddoomiyaha golaha Shariif Sheekh Axmed, waxuuna si kulul uga hadlay tallaabadii nin ku hubeysan bastoolad uu shalay ku xabadeeyey shacab banaanbaxayey.

Sheekh Shariif ayaa aad cambaareeyey falka uu ku kacay ninkaas iyo tallaabadii kale ee ciidamada ammaanku ay ku xireen qaar ka mid ah dadkii banaanbaxa dhigayey.

Askarigii muuqaalka laga duubay ee la xaqiijiyay inuu ku kacay fal dambiyeedkaas, isagoo bastoolad ku haya gabdhaha, waa in sharciga la horkeeno oo fagaare lagu maxkamadeeyo, dadka u xiran dowladda ama ay ku daba joogto ee guryahooda ay ka raadineyso ha iska deyso. Waxaan cod dheer ku sheegayaa inaan kasoo horjeedno caburinta dadka, dowladdu yeysan u qaadan in laga cabsaday hadii laga aamusay, sharci ayaa lagu wada joogaa ee laguma wada joogo xoog.

ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ciidamada ammaanka uga digay in dadka shacbka ah loo adeegsado,

haddii dowladdu ay sii wado caburinta ay dadka heysto waxaan la fileyn ayaa ka imaa doona.

ayuu yiri inna Shariif

Related posts

Kiisaska Coronavirus Ee Hindiya Oo Dhaafay 9 Milyan

Heemaall

Qoys Lix Sano Kunoolaa Isbitaal Oo Maanta Laga Rarary Iyo Sababta Keentay!(Sawirro)

Heemaall

Madaxweyne Deni Oo Garoowe ka Bilaabay Ololaha Qof iyo Fuusto Daamur ah (Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More