Heemaal News Network

Shariifka Oo ka Digay Mudo Kordhin Fariin Adag-na U Diray Madaxda Ciidamada.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka digay in madaxda dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey in ay ku dhiiradaan “muddo kororsi aan lagu heshiin”.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo Isniinta maanta ah warbaahinta kula hadlay Huteel Jazeera ee magaaladda Muqdisho ayaa xusay in talaabadaas ay horseedeyso xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

“Muddo kororsi waa jirayaa laakiin waa in ay noqotaa mid lagu heshiiyey. Waxaan ka digeynaa kororsi aan laguheshiin,” ayuu Shariif yiri kadib kulan ay maanta yeesheen xubnaha Midowga Musharaxiinta.

Sheekh Shariif oo sii hadlay ayaa uga digay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya in siyaasad loo adeegsado, waxana uu gu baaqay in aysan qaadan amar qaldan oo ay faraan Madaxda mudada xilheyntooda uu ka dhamaaday, kaas oo dalka dhibato u horseedi kara.

Hadalkaan kasoo yeeray Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay War-Saxaafadeed ay soo saaareen ay ku sheegay in laga bilaabo Maanta Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne.

Related posts

Ciidamada Dawlada Oo soo Bandhigtay Magacyada Saraakiil Al-shabaab ah Oo la Qabtay.

Heemaall

Ciidamada Haramcad Oo Dhalinyaro ku Xir-xiray Magaalada Baledweyne.

Heemaall

Ganacsatada Afgooye Oo ka Mudaharaaday Amar Uu ku soo Rogay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More