Xujayda kale ee isku diyaarada ahaayeen Amer ayaa soo dhameestay howlahooda safarka , waxa ayna fuuleen diyaaradda, albaabkiina waa la xiray. Daqiiqado ka dib ayaa la xaliyay kiiskii Amer, balse duuliyihii diyaarada ayaa diiday in uu albaabka ka furo ninkan , si uu diyaarada uu ku qornaa u raaco.
Amer markii loo diiday diyaarada in uu raaco ayna duushay waxaa tacsi ugu yimid ciidamada ammaanka ee garoonka , waxa ayna u sheegeen in ay ka xun yihiin waxa ku dhacay ee ahaa in safarka diyaarada ka haro.
Si kastaba ha ahaatee, Amer ayaa diiday inuu ka baxo gudaha garoonka dibna ugu laabto gurigiisa maadaama diyaaradii ka tagtay , wuxuuna ku adkeystay, in uu aadayo xajka uuna rabo in uu soo guto waajibaadka Xajka, isaga oo si cad u sheegay in ilaah ka rajeenayo in u baxo iskana sii joogayo garoonka.
Muddo yar kaddib waxaa soo baxay war sheegaya in diyaaraddii ka tagtay Amer ay cilad ku timid ayna kusoo laabaneyso garoonka. Diyaaraddii ayaa soo noqotay, waana la dayactiray, balse duuliyihii ayaa diiday inuu albaabka furo uuna raaco Amer dib ayeyna u duushay.
Sargaal garoonka joogay ayaa u sheegay Amer in uusan nasiib u laheyn in uu diyaaradan raaco uuna aado Xajka, balse waxa uu ku adkeestay in uu Xajka tagayo uuna iska sugayo inta ilaah ugu sahlayo uuna bixi doono.
Diyaaraddii ayaa markii hawada gashay waxaa mar kale lasoo daristay cillad sababtay in mar kale garoonka dib ugu soo laabato si loo cillad tiro . Markan duuliyaha ayaa garawsaday in uu albaabka furo uuna raaco Amer, isaga oo sheegay in ninkan la’aantiisa aysan markan duuleyn, nasiib wannaag diyaaradii waa ay duushay si nabbad ah ayeyna ugu dagtay Sacuudiga.
Duuliyihii diyaarada iyo ninka dhallinyarada ah ee arrintan mucjisada ah qabsatay ayaa sawir wadajir ah oo xasuus ah wada galay.