Shiinaha Oo Ciidankiisii Badda Kala Baxay Soomaliya

Kooxda howlaha badda ee Shiinaha ayaa dib ugu laabtay magaalada dekedda leh ee Zhoushan ee bariga gobolka Shiinaha ee Zhejiang 14-kii Oktoobar ka dib markii ay dhammeeyeen howlahoodii ahaa galbinta maraakiibta rayidka ah ee Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Kooxda 35-aad ee galbinta Ciidanka Badda ee Dadka Shiinaha (PLA), oo ka kooban burburiye hage gantaalaha Taiyuan, maraakiibta gantaalaha Jingzhou iyo markabka sahayda keena ee Chaohu, ayaa galbiyay 49 markab oo Shiine iyo ajnabi isugu jira intii howlgalka socday.
Maraakiibta ayaa ka shiraacday Zhoushan 28-kii Abriil.

Kooxdii galbineysay waxay safreen in kabadan 100,000 oo mayl badeed intii lagu jiray safarkoodii 170-maalmood iyaga oo aan gaarin deked ay ku nastaan, taasoo taariikh cusub u sameysay markabka PLA Navy markasta oo howlgalka uu ka socdo badda.

Shiinaha ayaa bilaabay inuu soo diro maraakiibta ciidamada badda si ay uga fuliyaan howlgalada ilaalinta maraakiibta gacanka Cadan iyo biyaha Soomaaliya bishii Diseembar 2008.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy