Heemaal News Network
somali

Shiinaha Oo Diidmada Veto U Adeegsaday Nin Liiska Argagixasada Lagu Darayay

Hindiya iyo Shiinaha ayaa mar kale isku qabsaday kulankii Qaramada Midoobay iyagoo isku khilaafsan dadaallo liiska argagixisada loogu darayo Sajid Mir oo ka tirsan kooxda Lashkar-e-Taiba.

Sajid Mir ayaa waxa uu ka mid yahay eedeysaneyaasha ugu waaweyn ee lagu tuhunsan yahay weerarradii Mumbai ka dhacay sanadkii 2008.

Mareykanka ayaa Qaramada Midoobay horgeeyay codsi ku aaddan in liiska argagixisada caalamiga ah lagu daro Sajid Mir, Hindiya ayaana taageertay tallaabadaas.

Balse Shiinaha ayaa codsiga ku gacan seyray, waxa uuna u adeegsaday codka diidmada qayaxan ee “veto”.

Bishii la soo dhaafay, soo jeedin ay Mareykanka iyo Hindiya ku doonayeen in liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay lagu daro Abul Rauf Asghar oo loo yaqaanno Abdul Rauf Azhar, oo la dhashay hoggaamiye-diimeedka muranka dhaliyay ee Pakistan Maulana Masood Azhar. Laakiin Shiinaha ayaa durbadiiba gaashaanka ku dhuftay.

Sajid Mir waxa uu ku jiraa liiska “shakhsiyaadka ay Hindiya sida ugu weyn u raadineyso”, Mareykankuna waxa uu madixiisa dul dhigay abaalmarin dhan 5 milyan oo doolar.

Mao Ning, oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha oo shir jaraa’id ku qabtay Beijing ayaa sheegay in goluhu uu hayo xog ku saabsan magacaabista ururrada argagixisada ah, shakhsiyaadka iyo nidaamka loo maro.” Waxa uu xusay in ay cad yihiin shuruudaha la raaco marka cid loo aqoonsanayo argagixiso caalami ah.

“Shiinaha mar walba waxa uu ka qeyb qaataa shaqada Golaha isagoo adeegsada hab-dhismeed nidaam fiican leh oo waafaqsan shuruucda iyo habraacyada,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa sheegay in ficillada Shiinaha uu ka sameeyo guddiga ka kooban 1,267-da xubin ay mar walba yihiin kuwo isku mid ah oo waafaqsan habraacyo loogu talagalay.

FBI-da ayaa sheegtay in ninkan uu intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2011 qaabilsanaa howlgallada dibadda ee kooxda Lashkar-e-Taiba.

Sanadkii 2008, Lashkar-e-Taiba waxa ay fuliyeen weerarro xiriir ah oo meelo badan lala beegsaday, sida hoteello, makhaayado iyo xarumo tareenno, kuwaasoo saddex maalmood ka dhacay magaalada Mumbai.

Weerarradaas waxaa lagu dilay qiyaastii 170 ruux. Lix muwaadin oo Mareykan ah ayaa ka mid ahaa dadka la dilay.

Sajid ayaa lagu eedeeyay inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarradaas. Xilligaas waxa uu ku sugnaa saldhig ku yaalla gudaha Pakistan.

Waxaa kale oo ninkan lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarro xagjirnimo oo lala beegsaday wargeys laga leeyahay Denmark iyo shaqaalihiisa.

Kaddib weerarradii Mumbai, Mareykanka ayaa Sajid Mir magaciisa ku daray liiska dadka argagixisada ah ee sida aadka ah loo raadinayo.

Related posts

Maxaa kasoo Baxay Kulankii Maamul Goboleedyada Iyo Midowga Musharaxiinta?

Heemaall

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo War kasoo Saartay Go’aankii RW Rooble.

Heemaall

Xoghayaha Guud Ee QM Oo Maraykanka Ugu Baaqay Inuu Cuna-qabataynta ka Qaado Iran.

Heemaall