Heemaal News Network
Cayaaraha

Shiinaha Oo Go’aan Cunsurinimo Abiido Ah Ka Qaatay Cayaaryahan Mesut Ozil

Mesut Ozil ayaa dhawaan ka hadlay sida dowlada Shiinaha ay u la dhaqanto Muslimiinta Uighur ka dib warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Waxaa la sheegay in milyan Muslimiinta Uighur in xabisay xerooyin iyadoo Mesut Ozil uu sidoo kale ka hadlay wararka sheegayay inay gubeen Masaajido iyo Kitaabka Quraanka.

Hadalkiisa ayaa ka careysiiyay Shiinaha taasoo keentay in kulamada Arsenal laga joojiyo in laga baahiyo hilinka ay dowlada leedahay ee CCTV. Ozil waxaa sidoo kale laga bixiyay nuqulka Shiinaha ee ciyaar gacmeedka PES 2020.

Arsenal ayaa diiday inay taageerto ciyaaryahankeeda sababo la xiriira danaha dhaqaale ee ay ku leedahay Shiinaha. Xaqiiqdiina waxay u muuqataa in arintaan aysan dhamaan doonin waqti dhow iyadoo jariirada The Times ay sheegtay in Ozil laga gaaray go’aan abid ah oo ku saabsan inaan magaciisa mar danbe lagu xusin warbaahinta dalkaas.

Xitaa marka uu gool dhaliyo magaciisa lama xusi doono.

Tabiyayaasha ciyaaraha waxa ay durbaba bilaabeen inaysan ku dhawaaqin magaca Ozil iyagoo gabi ahaanba iska indhotiray inuu garoonka ku jiro kulankii Boxing Day ee ay barbaraha 1-1 la galeen Bournemouth.

Waxaa ku xigay kulankii 2-0 ee ay kaga badiyeen United garoon Emirates, kaliya waxaa la xusay 10 ka mid ah 11kii xiddig ee ku soo bilowday shaxda Gunners.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More