Heemaal News Network

Shiinaha Oo ka Qeyb-qaadanaya Qorsho ka Dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Shiinaha ayaa la sheegay inay dhawaan ku daabuli doonto dalalka Itoobiya iyo Jabuuti qandaraasleyaal ka Shaqeynaya dhanka amniga si looga hortago in Al-Shabaab beegsato ganacsigooda ku yaala dalalkaas.

Sidda uu wariyey Foreign Policy Dowladda Shiinaha oo Ganacsiyo waaweyn ku leh dalalka Jabuuti & Itoobiya ayaa ka taxadareysa inaan Ganacsigooda la beegsan, isla markaana howshaan ay muddo soo wadeen.

Dowladda Shinaha ayaa waxaa ay Saldhig weyn oo Ciidamada Badda ah waxaa ay ku leeyihiin dalka Jabuuti, waxaana qorshaan uu wado garab ku siinaya dowladaha Jabuuti & Itoobiya oo uu Ganacsiyo wawyen ku leeyahay Shiinaha.

Qorshahaan ay Itoobiya iyo Jabuuti ka bilaabeyso dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay fursad u noqon kartaa dowladaha Mareykanka & Sacuudiga oo tartan xoogan kula jira, iyaga oo ku mar mar siyoonaya la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Warbixinta lagu daabacay Jariiradda Foreign Policy ayaa waxaa ;agu sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha usan isku qidad ka ahayn la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisadda Soomaaliya, waxaana halkaas kasoo baxaysa danaha iskasoo horjeeda ee awoodahan taasoo saameyn karta Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Hay’ad Caalami ah Oo Digniin kasoo Saartay Duufaanta GATI Ee kusoo Wajahan Somaliya.

Heemaall

Ciidanka Itoobiya Oo Magaalo Muhiim ah Caawa kala Wareegay Ciidamada TPLF.

Heemaall

Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo soo Saaray Habraaca Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More