Heemaal News Network

Shir Ay Lereyihiin Musharaxiinta Mucaaradka Oo Maanta Muqdisho Ka Furmaya

Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wadatashiga qaar kamid ah Musharaxiita madaxweyne ee dalka, kuwaas oo maalmihii tagay ilaa shalay gaaray magaalada caasimadda ah.

Muraxiintaan ayaa waxaa kamid ah madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi kariim Xuseen Guueed, Cabdulqaadir Cooble Cali madaxweynihii hore ee Hirshabeelle,

Sidoo kale waxaa musharaxiinta maanta shira kamid aha wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xasan Cali Khyre ra’iisalwasaarihii hore ee dalka.

Shirkaan ayaa lagu wadaa gabagabadiisa in looga dhawaaqo madal ay ku midaysan yihiin musharaxiinta, waxaana musharax weliba oo dalka soo gaaray uu sheegay inaan cidna laga aqbalaynin in dalka ay ka dhacdo doorasho aan la isla ogoleyn , sida ay warbaahinta ka hor sheegeen.

Related posts

Israil Oo Isku Maqiiqaysa In Ay Somaliland La Yeelato Xidhiidh Amni

Heemaal

Wafddi ka Socday Kenya Oo Muqdisho kula Shiray Masuuliyiinta Dawlada Somaliya.(Sawiro)

Heemaall

Wasiir Bayle Oo Qabatay Kulan Looga Doodayay Doorka Ganacsatada Ee Hormarinta Dhaqaalaha.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More