Heemaal News Network
somali

Shir Wadatashi Oo Maanta ka Furmay Garawe (Sawiro)

Magaalada Garawe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland waxaa maanta ka furmay shirka wadatashiga Wasaarada caafimaadka Dowlada federaalka iyo wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada.

Shirkan maamulka Puntland sanadkan marti galiyay ayaa socon doona mudo sadex maalin ah, waxaana inta uu socdo shirkan dib u eegis loogu sameyn doonaan waxyaabihii u qabsoomay waxii ka dambeeyay shir sidan oo kale sanadkii hore Muqdisho uga dhacay.

Wasiirka caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowziyo Abiikar Nuur oo furitaanka shirka ka hadashay ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda horumarinta caafimaadka dalkeena iyo sidii wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen.

Wasiirada caafimaadka maamul goboleedyada oo dhankooda shirka ka hadlay ayaa ka hadlay ahmiyada uu u leeyahay shirkan u qabsoomay iyo sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen, waxa ayna rajo wanaagsan ka muujiyay qodobada kasoo bixi doono shirkan.

Related posts

Somaliland Oo Ogolaatay In Qaxooti Afqaanistaaniyiin Ah La Geeyo

Heemaal

Itoobiya Oo Sheegtay inay Fashilisay Rag ka Tirsan Alshabaab Oo Weerae ku Ahaa.

Heemaall

Dawlada Oo War kasoo Saartay Kulankii Dhax-maray Rooble iyo Cabdi Xaashi.(Sawirro)

Heemaall