Heemaal News Network

Shirka Amniga Doorashooyinka Somaliya Oo ka Furmay Xarunta Xalane.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka guddiga amniga doorashooyinka qaranka ee 2020/2021,kaasi oo ka socda xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde.

Shirkaan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka qaranka ayaa waxaa ka qeyb-galaya, Xubno ka kala socdo xafiisyada madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha,Xoogga dalka,taliyaasha Ciidamada booliska dowlad goboleedka dalka ,wasaaradda amniga gudaha,mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay ,iyo AMISOM.

Shirka oo muddo saddex maalin ah socon doona ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa Amniga doorashooyinka.gaar ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay sida nidaamka Maamulka ,miisaaniyadda iyo tababariyada ciidamada ee sugida goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Taliyaasha ciidamada booliska dowlad goboleedyada dalka oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirakaan waxaana furay soona xiri doono taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Related posts

Xisbiyada Somaliland Oo ka Hadlay Waqtiga loo Cayimay Qabsoomida Doorashada

Heemaall

Madaxweyne Musevani Oo Wiilkiisa Curadka U Magacaabay Taliyaha Ciidanka Uganda

Heemaall

Senatoro Is-hortaagay Hub Trump ka Iibin Lahaa Imaaraadka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More