Heemaal News Network

Toos U Daawo Shirka Madaxda Somaliya Oo Maanta ka Furmay Garoowe.

Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal waxaa ka furmay shirka Aragti wadaaga Machadka Heritage,kaas oo looga hadlayo Arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka Soomaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya, Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada, Xubno kamid ah Midowga Musharixiinta iyo Ururada Bulshada rayidka iyo dad kale oo lagu casuumay.

Shirka oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalka Jabuuti ayaa markii ugu horreeysay lagu qabanayaa Soomaaliya, waxaana muddo Saddex Cisho oo uu socon doono sanadkaan looga hadlayaa xasilinta dalka ee dhanka Amniga, Dhameystirka Dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yagleelida nidaam Federaal oo Shaqeynaya.

Inta badan siyaasiyiinta xilalka haaya iyo kuwa aan xilalka haayin ayaa shirka khudbado ka jeedin doona, waxaana shirka hadal ka jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxana uu sheegay in loo baahan yahay siyaasad degan.

Related posts

Wafdi ka Socda Dowladda Malawi Oo soo Gaaray Magaalada Hargeysa

Heemaall

Golaha Amaanka Oo Mar kale ka Shiraya Xiisada ka Taagan Somaliya.

Heemaall

Midowga Musharaxiinta Oo Digniin U Diray Dowlada Federaalka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More