Heemaal News Network
Caalamka

Shirkada Kokakola Oo Cadaadis Saartay Shirkadaha Baraha Bulshada

Shariikadda Coca-Cola ayaa muddo soddon cisho ah joojinaysa xayesimaaheeda baraha bulshada caalamka, iyadoo cadaadis ay kala kulmayaan sidii wax looga qaban lahaa hadallada nacaybka ku saleysan.

”Cunsurinimo caalamka lagama ogolaanayo sidookalena baraha bulshada kama ogolaanayno cunsuriyadda”, ayuu yiri Gudoomiyaha shirkadaasi James Quincey.

Waxaa uuna ka codsanaya shariikadaha maamulo baraha bulshada in si gaar ah ay oo hufnaan iyo isla xisaabtan ku jirto ay isha ugu hayaan baraha dadku ku wada kulmaan.

As’aasaha facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in shirkaddiisa ay mamnuuci doonto xayeeysiimaha ay ku jiraan eedeymaha midab takoorka, dalalka gaar, diimaha ay aaminsayihiin, jinsiyadda ay ka kooban yihiin ama xaaladdooda degganaansho iyo wixii kale oo raacsan inay halis tahay.

Abaabulayaasha ololaha #aan joojin ka faaideysiga nacaybka, ayaa ku eedeeyay Facebook inaysan sameynin wax ku filan oo ay ku joojinayaan hadallada nacaybka iyo kala tagga, waxayna sheegeen in isbeddellada yar yar aan waxba soo kordhinaynin.

In kabadan 90 shirkadood ayaa joojiyay xayeysiinta iyagoo gacan siinaya ololaha aan joojinno ka faa’ideysiga nacaybka ku saleysan #StopHateforProfit.

Arrintaas ayaa horseedday in saamiyadda Facebook ay hoos u dhacaan boqolkiiba 8.3% maalinkii jimcaha oo u dhiganta $56bn ilaa (£45bn) taas oo sidoo kale waxyeello u geysatay hantida Zuckerberg leeyahay oo gaaraysa $7.2 balyan, sida ay ku warrantay warbaahinta blooberg. Sidaas awgeed ninka madaxda ka ah shirkadda Louis Vuitton Bernard Arnault ayaa waxaa uu ka hormaray aas’aasaha facebook oo wuxuu noqday ninka saddexaad ee dunida ugu tujaarsan.

Shirkadda Coca-Cola waxay CNBC u sheegtay xayeysiisyadeeda iney hakiso ay ka dhigneen iney taageereyso ololaha looga soo horjeda midab takoorka ee socda, balse ay arrintaasi quseyso “arrimo ganacsi”.

Mr Quiencey wuxu sheegay shirkaddu iney xayeysiisyadeeda u isticmaaleyso baraha bulshada kala duwan, balse tallaabbadan ay ku hakineyso xayeysiisyadeeda ay tahay oo keli ah iney dib u eegis ku sameyso in xayeysiisyadaasi loo baahan yahay iyo iney u baahan yihiin in wax laga eddelo iyo inkale.

Ololahan ayaa Mr Zuckerberg ugu baaqaya inuu tallaabbooyin dheeraad ah uu qaado, tallaabbooyinkaasi oo ay ka mid yihiin kuwa uu ku meel marinayo xuquuqaha bulshada rayadka, isla-markaana suuragelinayo dabagalka iyo ka hortagga farriimaha xambaarsan naceybka amaba bulshada marin habaabinayo.

Waxaana shirkadda Facebook loo soo jeediyey iney si aad ah ula socota farriimaha noocaasi ah inta ay shacabka farriimahaasi gaarinna ay ka hortagaan isla-markaana ay howl geliyaan koox khubara ah oo qaabisho cabashooyinka arrimahan la xiriira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More