Heemaal News Network
somali

Shirkadaha Laydhka Oo Go’aansaday Inay Bulshada Ku Celiyaan Mugdigii 1990-maadkii

Iskaashaatada Shirkadaha Laydhka Somaliland ee magaceeda loo soo gaabiyo (SEA) Waxa ay wada jir u soo saareen warqad uu nuxurkeedu yahay in ay laydhka damin doonaan inta u dhaxaysa 11:00 habeenimo ilaa 4:00 subaxnimo, taas oo dadwaynahu ay dareen walaac iyo saluug ku ladhan ka muujiyeen.

dad badan ayaa waxa ay qabaan in tan ay la micno tahay in shirkadaha Laydhku ay guud ahaan bulshada dib ugu celinayaan waayahii mugdiga ahaa iyo Sagaashamaadkii, taas oo aan la jaan qaadi karin noloshan casriga ee laydhka ku xidhan.

Dhanka kale sicir, bararka jira, shidaal la’aanta ayay u sababeeyeen go’aankan ay qaateen oo dhaqan galaya sida ay sheegeen 1-da bisha August 2022.

Dhawaan ayay ahayd markii ay dawladu ku gacan saydhay dalabkii kordhinta qiimaha korontada ee iskaashatan oo ahaa 0.21, waxana ay go’aamisay xukuumadu in ay qiimaha kordhiyaan shirkaduhu 0.10 cent, taas oo u muuqata mid u cuntami wayday.

Si kastaba ha ahaatee, Borama ayaa ka mid ah meelaha Aduunka ugu koronto qaalisan, iyada oo qiimaha korontadu uu dhan yahay 0.68 cent halkii Kiiloo-waat ee korontada ahba.

Related posts

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Soo Kormeeraya Abaaraha Bariga

Heemaall

Wakiilka Q/Midoobay Oo Dowladda Somaliya Ugu Baaqay ka Hortega Musuq-maasuqa.

Heemaall

Bayle Oo Maraykanka Ka Codsaday Dabagalka Dhamaystirka Doorashaooyinka

Heemaall