Heemaal News Network

Shirkaddaha Duulimaadyada Somaliya Oo Gaaray Heshiis ka Dhan ah Shacabka(Akhriso)

Afar ka mid ah shirkadaha duulimaadka ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa ku heshiiyay iney sare u qaadaan qiimaha tikidhada ee gobolada dalka iyo duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi.

Heshiis ay wada galeen afar shirkaddood oo duulimaad ayaa lagu sheegay in qiimaha laga dhigay $260 oo laga qaadayo dad u safraya Muqdisho iyo Nairobi.

Sida ka muuqata qaraalka, waxaa heshiiskan wada saxiixday shirkaddaha kala ah, Salaam Air. Daallo Air, Freedom Air iyo Premier Air.

Qiimaha awal hore lagu raaci jiray duulimaadyada labada dal ayaa ahaan jiray $140, balse hadda lama garanayo sababta keentay isbedelkan cusub.

Shirciyan dunida kama jirto waddan shirkaddihiisa duulimaadka go’aan ka gaari karaan qidmadaha shacabka laga qaado. Dowladdaha ayaa jaangooya arrintan.

Dhibaatadan ayaa sidoo kale ka taagan deegaanada Puntland kadib markii shirkaddaha duulimaadyada ay kordhiyeen lacagihii laga qaadi jiray dadka u kala safraya Muqdisho iyo gobolada kale ee Puntland.

Lama oga qiimaha saxda ah oo ay sare u qaadeen tikidhada gobolada dalka, balse heshiiska ayaa ka dhigan iney ka maarmayaan tartankii dhanka qiimaha ee mar walba u dhaxeyn jiray maadaama ay ugu yaraan saddex shirkadood maalintii duulimaad wada sameyn jireen.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada, Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo hay’adda Duulista rayidka ayaan weli ka hadal heshiiska lagu kordhinayo Qiimaha Tikit-ka diyaaradaha iyo sida ay shirkaduhu u abuurayaan Jawi Monopoly ama tartan la’aan ah kaas oo halis ku ah ganacsiga duulimaadka Waddanka.

Related posts

Aqalka Kongreska Dalka Mareykanka Oo U Codeeyey In Xilka Laga Qaado Trump

Heemaal

Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Amniga Qaranka Lagu soo Duulay.

Heemaall

Sirdoonka Itoobiya Oo soo Bandhigay Rag ka Tirsan Ururka Al-shabaab iyo Daacish.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More