Heemaal News Network

Shirkii Dhuuso Mareeb Oo Natiijo La’aan Ku Dhamaaday

Shirki magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo gabgaboobey natiijo la,aan. Waxaa guuldareystey dadaalo la doonayey in xaley ay dhinacyadu isugu soo laabtaan miiska wadahadalada. Madaxweynaha ayaa la filayaa in saaka uu dib ugu soo laabto Muqdisho, inkastoo ay dhici karto in beesha caalamka ay culeys ku saaraan in aan Dhuusamareeb lagu kala tegin ilaa xal laga gaaro. Arrinka gobolka Gedo ayaana ahaa qodobka la isku mari waayey ee keeney inuu kulankaasi natiijo la’aan ku dhamaado.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa maalmihii dhawaa culeys ku saaraayey in masuuliyiinta ku shirsan Dhuusamareeb ay xal gaaraan si loo qabto doorasho loo dhan yahay.

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta u sheegey goordhow in arrinta gobolka Gedo la isku mari waayey.

Dhinaca kale, waxaa xaley fariimo loo direy mudanayaasha Baarlamanka oo loogu sheegayo in ay kulan isugu yimaadaan saaka taasoo uu madaxweynuhu codsadey, lamana sheegin waxa uu madaxweynuhu kala hadli doono. waxaa xaley laga dareemaayey magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan kulan la filayo inuu madaxweynuhu ku hor yimaado Baarlamanka mudo xileedkiisu dhamaadey.

Related posts

Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Lacagaha Lagu Diro Adeega Zaadka Iyo Edahab

Heemaall

Ciidamadii Dowlada Dhawaan Geesay Gobolka Gedo Oo Hub loo Qeybiyay.(Sawirro)

Heemaall

Awdal:-Gudoomiye Jeeke Oo Deeq Lacageed ka Gudoomay Qurbo-jooga Degmada Qulujeed

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More