Sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen waxaa dib u bilowaday Shirkii Madaxda dowladda dhexe iyo maamulada uga socday Dhuusamareeb maanta waxana dhammaan ka qeyb galaya Madaxda ku sugan Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu guuleystay in uu maanta shirka kasoo qeyb galo ka dib markii uu xalay ka baaqday markii la isku fahmi waayay shalay xaaladda gobolka Gedo.
Shirka oo wali socda ayaa lagu soo waramaya in aan wax is afgarad ah wali laga gaaray dooda gobolka Gedo.
Waxaa jirta cadaadis dhincyada uga imaanaya beesha caalamka taas oo dhinacyada lagu khasbayo in aanay shirka ka tagin ilaa heshiis la gaaro.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa wali ku adkeysanaya in maamulka gobolka Gedo gacanta loo soo galiyo ka hor doorashada.