Heemaal News Network
somali

Shirwayne Aan Lagu Aqoonsan Madaxti-nimada Farmaajo Oo ka Furmay Muqdisho.

Kulan maanta ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee degan Muqdisho, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayay si weyn uga soo horjeesteen Muddo kordhinta ay sameeyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Madaxdii hore ee dalka , Xildhibaano iyo Waxgaradka.

War Murtiyeed kasoo baxay Shirka waxaa Saxaafadda u akhriyay xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in dhammaan ay isku raaceen in aan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo aqoonsan Madaxweyne Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale tilmaamay in ay qaadi doonaan tilaabo ka dhan ah maamulka Farmaajo haddii ay sii socdaan dhibaatooyinka lagu haayo Siyaasiyiinta degan Magaalada Muqdisho.

Related posts

Is-rasaaseyn Khasaaro Geysatay Oo ka Dhacday Magaalada Guriceel

Heemaall

Guddi loo Magacaabay Shaqaaqadii ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Heemaall

7 Qof Oo Ka Tirsanaa Falaago Heshiis La Gashay Xukuumada Suudaan Oo Falaago Kale Dishay

Heemaal