Heemaal News Network
Soomaaliya

Shuruudaha Looga Baahan-yahay Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug Oo la Shaaciyay.

Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenada Galmudug.

Guddiga Doorashada ayaa soo saaray 9 qodob oo looga baahan yahay inay fuliyaan Musharaxiinta, waxaana ugu muhiimsan inuu qofka yahay Muwaadin Soomaaliyeed kana soo jeeda deegaanka Galmudug, isla markaana uu heyso shahaado Jaamaceed ama waayo aragnimo hogaamineed oo 5-sanno ah.

Sidoo kale Shuruudaha ayaa waxaa qeyb ka ah in Musharaxa u tartamaya xilka Madaxweynaha laga doonayo inuu bixiyo lacag dhan 20,000 oo Dollar, halka Madaxweyne ku-xigeenada laga doonayo inay bixiyaan lacag dhan 10,000 oo Dollar.

Hoos ka Akhriso Shuruudaha:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More