Silvio Berlausconi Oo Ganacsade Shiina Ah Ka Iibiyey Naadigiisii AC Milan

Shirkadda Rossoneri Sport Investment Lux ee dalka Shiinaha ayaa dhamaystirtay qandaraaskii ay kula wareegayeen kooxda kubadda Cagta ee AC Milan.

Heshiiskan ayaa sare u qaadaya awoodda dhaqaale ee naadiga oo mudooyinkan dhaqaale xumo ay heysatay.

AC Milan oo ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga ee Serie A waxaa lahaa rai’sul wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlausconi tan iyo 1986-dii.

Waxay ku guulaysteen sideed koob oo horyaalka Talyaaniga ah iyo shan koob oo kuwa Yurub ah balse 2011-kii ayaa u dambaysay horyaal ay qaadaan.

Koobkii u dambeeyay ee horyaal ah ee ay qaadaan wuxuu ahaa sannadkii 2011kii, saddexdii sano ee u dambeeyayse waxay ku dhameeyeen kaalimaha dambe.

Heshiiska lagu iibsaday kooxda AC Milan ayaa ku kacay aduun gaaraya 740 milyan oo Euro sida ku xusan War-saxaafadeed lagu daabacay bogga rasmiga ah ee naadiga AC Milan