Heemaal News Network

Sirdoonka Itoobiya Oo soo Bandhigay Rag ka Tirsan Ururka Al-shabaab iyo Daacish.

Hay’adda Sirdoonka dalkaasi Itoobiya ayaa sheegtay kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada in ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Ururrada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Hay’adda Sirdoonka ayaa sheegtay in raggan la soo qabtay in muddo ahba ciidamadu ku daba-jireen ugu danbeyntiina u suurtagashay in ay gacanta ku soo dhigaan.

Waxaa wali soconaya howlgalo ka dhan ah xubnahan ka tirsan labada Urur oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan dalka iyadoo la kaashanayo ayeey tiri hay’addu bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ragga la qabtay oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish oo ayeey qaarkood sawirradooda baahisay dowladda.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dagaalka ugula jira kooxaha ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya

Related posts

Musharaxiinta Mucaaridka Ee ku Shirsan Muqdisho Oo Hogaan Cusub Doortay.

Heemaall

Rag loo Qab-qabtay Dil Hooyo Iyo Caruurteeda Loogu Gaystay Warsheekh.

Heemaall

Joe Biden Oo Ku Guulaysatay Doorasahadii Madaxtinimada Maraykanka

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More