Siyaasi La Waayey Sannado Ka Hor Oo Hadda Laga Helay Dal Aan Laga Filayn

Diblomaasi u dhashay Kuuriyada Woqooyi oo lagu waayey dalka Talyaaniga ayaa mid ka mid ah xildhibaanada waxaa uu sheegay in uu goostay oo hadda ku nool yahay Kuuriyada Koonfureed.

Jo Song-gil, oo ahaa ku simaha safiirka Kuuriyada waqooyi ee talyaaniga oo lawaayay sanadkii 2018, ayaa kusugnaa koonfurta tan iyo sanadkii 2019, ayuu yiri madaxa guddiga sirdoonka baarlamaanka Kuuriyada koonfureed.

Haddii la xaqiijiyo, Mr Jo wuxuu noqonayaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee soo goosta tan iyo 1997.

Hase ahaate waxaa walaac laga qabaa gabadhiisa yar, oo la sheegay inay ku laabatay Waqooyiga.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Talyaaniga ayaa sheegtay in dib loogu celiyey Waqooyiga bishii Febraayo 2019 codsigaas oo ahaa mid iyada u gaar ahaa ka dib markii waalidinteeda la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Jo song iyo xaskiisa ayaa safarada ka baxay iyagoo cidna aan ogeysinin bishii Nofeembar 2018, wax yar uun ka hor inta muddo xiledkiisu dhamaan.

Wararku ayaa xilligaas waxay sheegayeen in diblumaasigaan, wilkiisa iyo wilka sodoga u yahay ay magangalyo ay ka raadsanayeen dowldaha reer galbeedku.

Maalintii talaadada xildhibaan ka tirsan mucaaradka Kuuriyada Koonfureed ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in Mr Jo iyo xakiisa ay joogan koonfurta isla markaana magangalyo la siiyay. Maalintii Khamiista Jeon Hae-cheol, oo ah gudoomiyaha guddiga sirdoonka ee Golaha barlamaanka, ayaa xaqiijiyay arrinkan.
”ku simihi hore ee safiirka Mr Jo ayaa si iskiis ah unyimid koonfurta july sanadkii 2019ka,” Mr Jeon ayaa intaasi ku daray ”in uu dhowr jeer muujiyay rabutaankiisa ah in uu yimaado kuuriyada koonfureed.”

Hay’adaha sirdoonka ee dalka kuuriyada koonfureed ayaan wali ka hadlin arrintan

Waa sidee xaaladda Gabadhiisa?

Wax yar ayaa laga ogyahay gabadhan, aan ka ahayn inay gabadh dhalinyaro tahay.

Mr Jeon ayaa sheegay in Mr Jo uu doonayay in meeshuu ku sugan yahay la qariyo. “Wuxuu ka walwalsanaa qoyskiisa ku sugan Kuuriyada Waqooyi,” ayuu yidhi Mr Jeon, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Diblomaasi hore uga tirsana kuuriyada waqooyi Thae Yong-ho -isla markaana ahaa ku xigeenka safiirka UK ku matala xukkumada Pyonyang, oo u goostay kuuriyada koonfureed sanadkii 2016ka haatana xildhibaan ka ah dalkaasi ayaa sheegay qaraabada sarkaalka goostay ay ciqaab muteysan karaan.

Meesha uu ku nool yahay diblumaasi goostay ayaa go’aamisa heerarka ciqaabta ay helayaan eheladiisa ku sugan kuuriyada Waqooyiga.

Diblomaasiyiinta Kuuriyada Woqooyi ku matala dalalka dibedda inta badan waa inay dhowr xubnood oo qoyskooda ah kaga tagaan magaalada Pyongyang, tallaabadaas oo la filayo inay saameyn ku yeelato oo aysan goosan ama magangalyo aysan u raadsanin dalalka reer galbeedka.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy