Siyaasi Maxamed Cali Faarax: Samaroon Iyo Harti Goormay Noqdeen Haween La Meheriyey Oo La Sheegto Madaxooga?

Waxaan dhagaystay muuqaal uu Muuse Biixi kaga hadlaayo midnimada Soomaliya, isaga oo sheegay in soomalidu ka midaysantahay, ganacsiga, luqada iyo diinta, balse maamul ahaan aan waligii la midoobayn Soomaliya, isga oo ku sobobeeyey dagaal dhex maray ururkii beeshiisa ee SNM, isaguna ka midka ahaa iyo dawaladii Siyaad Barre.

Muuse Biixi waxaa hadalkiisa ku jiray in dhamaan beelaha daga Somaliland ay dagaal la galeen dawladii Siyaad Barre, taasi waa been, ama hadalkiisu hadii uu noqdo in SNM ay dagaalka la gashay Siyaad Barre dhulka waqooyina xoraysatay oo ay iyadu lahayd, taasina waa been.

Beelaha Harti iyo Samaroon kuma jirin SNM, lamana dagaalamin xukuumadii Siyaad Barre, lakiin waxaa la dagaalamay reer binu Haashim oo ahaa Ciise iyo Isaaq, gobolada waqooyina may qabsan, ee way soo galeen beelaha kalana waxay ku heshiyeen in ay maamul dhistaan, waana ka ilaa hadda loogu yeedho Somaliland.

Samaroon iyo Isaaq dhawr jeer bay dagaalameen, Harti iyo Isaaqna dhawr jeer bay dagaalameen, Ciise iyo Samaroona, dhowr jeer bay dagaalameen, lakiin Samaroon, Daarood iyo dawaladii ina Barre midna lama dagaalamin.

Siyaasiyiinta Hargaysa had iyo jeer waxay sheegaan, in xukuumadii Siyaad Barre xasuuq ka gaysatay gobolada waqooyi, sidaa daraadeedna ayna mar kale la midoobayn, sidaas ma aha, midawga Soomaliya waxaa uu u yaalaa dhamaan talo ay ka yeeshaan beelaha daga Somaliland mid ay goyn karaan reer binu Haashimna ma aha, hadii ay dhib ka tirasanayaan maamulkii Siyaad Barre iyaga ayay gaar u tahay, meesha ay ka dacwaynayaan iyo cida aya kala xisaabtamayaan, ama ay kaga aar goosanayaan.

Siyaasiyiinta Hargayasa mid ha ogaadaan, Samaroon iyo Harti ma aha haween la shukaansaday, kadibna la mehiriyey, dabadeedtana madaxooga la sheegto, oo reerkii ay u dhaxeen ka tirsan, hadii lagu takri falo heshiisyadii Burco iyo Boorama ee lagu yagleelay Somaliland, dib ayaa loogu noqon beel walibana iyada ayaa ka tashan ayaaheega, tii dhib sheegayanaysaana iyadaa uga dacwoon cidii dhibta u gaysatay.

Siyaasi Maxamed Cali Faarax

Laascanood