Siyaasi Muuse Carab Dugsiiye Iyo Dhalinyaro kale Oo Lagu Xir-xiray Borama, Iyo Sababta Keentay.

Wararka naga soo gaaraya magalada Borama ayaa sheegaya in ciidamada booliiska gobolka Awdal ay galabta xabsiga u taxaabeen Muuse Cabarab Dugsiiye oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolka.

Ma cada sababta ciidamada booliisku u xireen Muuse Carab, balse warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in shalay ilaa maanta la xirxiray qaar ka mid ah dhalinyarada saami-doonka ku caan baxday, kuwaasoo looga shakiyay inay carqaladeeyaan safarka madaxwayene Muuse Biixi ku imanayo Boorama maalinta bari ah, isagoo halkaasi kaga qayb gali doona xaflada qalin jabinta jaamacada Camuud.

Laamaha amiga iyo maamulka gobolka Awdal ayaana wali ka hadal xariga dhalinyaradan, balse waxaa magalada laga dareemayay guux ku aadan safarka Muuse Biixi, waxaana xusid mudan in magaalada xalay lagu daadiyay warqado ay ku qornaayeen ereyo ka dhan safarka Muuse Biixi.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy