Heemaal News Network
Soomaaliya

Siyaasi Ramaax Oo Maanta Maxkamada Hargaysa ku sii Daysay Damaanad.

Xoghayaha arimaha Gudaha ee xisbiga Ucid mud. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa maanta laga siidaayay xabsiga Hargaysa.

Xoghaye Ramaax oo mudo labaatan cisho ah ku xirnaa xabsiga Hargaysa ayaa la sheegay in maanta lagu sii daayay damaanad.

Sikastaba ha ahaatee dacwada cusub ee lagu soo oogay siyaasi Ramaax ayaa ilaa iyo hada la shaacin maadaama uu dacwadii hore ka noqday Gudoomiye Baaashe oo markii hore ku soo oogay dacwad lagu sheegay sharaf dil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More