Heemaal News Network

Siyaasiyiinta G/Waqooyi Ee Garabta Abdi Xaashi Oo Qaadacay Jadwalka Doorashada.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiinta dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa kasoo horjeestay Jadwalka doorashooyinka oo ay xalay soo saareen guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka Qaranka.

Qoraal ay siwadajir ah u soo saareen guddoomiye Cabdi xaahsi & Siyaasiyinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa waxaa lagu sheegay inay si adag u diidan yihiin jadwalka doorashada ee ay soo saareen Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay,I sla markaana guddiga uu yahay mid ku yimid sifo aan sharci aheyn lagana filan Karin doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in ay cadeynayaan in guddiga doorashada ay dowladda wadatashi la’aanta ku magacaawday kuna jiraanx ubno laga soo xulay, NISA, Shaqaalaha dowladda iyo taageerayaasha Madaxweyne farmaajo aysan aban Karin doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiinta dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegeen inay ka digayaan khataraha ka dhalan kara qabashada doorasho aan hehsiis lagu aheyn.

Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Dowlad Goboleedyada, musharixiinta Madaxweynaha, siyaasiyiinta, dhaqanka, bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka in la joojiyo qabashada doorashada aan Guddiyada iyo habraacyadeed hehsiis lagu aheyn, isla markaana aan si siman dalka uga qabsoomeyn.

Related posts

Nin Loo Haystay Weerarkii Jaamacada Geerisa Oo Isku Dhex Dilay Xabsi

Heemaal

Amoud Foundation Oo Sanadkan 81 Ceel Ka Hirgalisay Gobolada Somaliland.

Heemaall

Ethiopia Oo Ku Diiday Dhexdhexaadin Ay Ku Baaqeen Dalal African Ah

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More