Heemaal News Network
somali

Somalia Oo Buuxisay Axdi Qarameedka Xuquul Insaan Ee Q/Midoobay.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Switzerland, Austria iyo Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey, Abyan Maxamed Saalax, ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay buuxisay lix ka mid ah qodobada sagaalka ah ee uu ka koobanyahay Axdi Qarameedka Xuquuqda Aadanaha ee Qarmada Midoobay .

Danjire Abyan Maxamed Saalax, ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya markii sedexaad arrimaha xuquul insaanka ay hormarro badan ka gaaray.

“Tusaale Sharciga xaquuqda caruurta waan saxiixnay, sidoo kale sharciga xuquuqda dadka Naafada ee uu dhawaan saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ayaana ka mid ah kuwa ugu muhiimsan, illaa iyo hada waxaan dhameystirnay lix qodob” ayay hadalkeda ku dartay Danjire Abyan Maxamed Saalax.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Switzerland, Austria iyo xarunta xuquuqul Insaanka ee qaramada Midoobey Abyan Maxamed Saalax, ayaa sheegtay in Soomaaliya oo ka soo kabaneyso bur-bur sodon sano qaatay hadane ay kaalin fiican uga jirto Axdi Qarameedka Xuquul insaanka ee Qaramada Midoobay.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan sida dhaqsida leh ugu socono dhanka hormarka si aan ula jaan qaadno Adduunka, waana noo muhiim inaan illaalino Xuquuqul Insaanka” ayay hadalkeeda ku soo gabagabeysay Danjire Abyan Maxamed Saalax.

Related posts

Maamulka Hir Shabeele : Shuruud La’aan Waa In Loo Fasaxaa Kursiga Fahad

Heemaal

TPLF Oo la Wareegtay Magaalada Lalibela Ee UNESCO ka Dhaxashay Gobolka Amxaarada.

Heemaall

Kenya Oo Iftiimisay Xibiga Ay Somalia Fasaxyso Dhoofinta Jaadka

Heemaall