Heemaal News Network
somali

Somalia Oo Imaaraadka ku Wareejisay Lacagtii Horay Looga Xayiray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan, isagoo sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.

Related posts

Awdal:-Beelaha Bahabar Muuse Oo ka Digtay In la Baal-maro Go’aanka Ay ku Doorteen Musharaxooda Golaha Wakiilada

Heemaall

Xaaska Askari ka Tirsan Ciidamada AMISOM Oo si Arxan Daro ah loo Dilay.

Heemaall

Beesha Caalamka Oo ka Xumaatay Hal Arin Oo ka Dhacday Doorashadii Somaliland.

Heemaall