Heemaal News Network
somali

“Somalia Waxa Ay Qarka U Saaran Tahay Dagaal Sokeeye” Safiirkii Hore Ee Maraykanka.

Safiirkii hore ee Mareykanka u joogay Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Soomaaliya ee xilligan, iyo hab dhaqanka Madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo balse dhowaan kororsaday labo sano.

Stephen Schwartz ayaa Farmaajo ku eedeeyay inuusan dooneynin u tanaasulka danta Qaranka, xilligana aanu heysan wax sharciyad ah dhinac kasta, isagoo dhaawacay kalsoonidii ahayd in xukunka si nabad ah loogu kala wareego, sidii ay sameeyeen labadii Maaxweyne ee ka horeysay.

Xaaladda Soomaaliya ayuu ku tilmaamay inay mareyso meel halis ah, kadib muddo kororsiga Maxamed Farmaajo sameystay.

Wuxuu si kulul u weerarray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo uu sheegay in la soo marsiiyo lacagta qarsoodiga ah ee ka timaada dalka Qatar, isagoo xusay inuu ka ka awood badan yahay taliye, uuna yahay nin saameyn weyn ku leh Soomaaliya.

“Farmaajo wuxuu dhaawacay dowladnimadii, wuxuuna Soomaaliya u jiheeyay wado xun, waana in laga qaadaa tallaabo adag” ayuu yiri Safiirkii hore ee Mareykanka oo wareysi siiyey VOA-da isagoo xusay in Somalia ay mar kale qarka u saaran tahay burbur iyo dagaalo sokeeye

Wuxuu soo jeediyey in Mareykanka aanay safiir u dirin dowlad aan sharci ahayn, isla markaana la joojiyo taageerada la siiyo dowladda Soomaliya.

Stephen Schwartz ayaa sanadihii 2016-2017 noqday safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya.

Related posts

Midowga Musharixiinta Oo ka Hadlay Heshiiska Ay Gaareen Siyaasiyiinka Gobolada Waqooyi.

Heemaall

Waqtiga La Bilaabeyo Doorashada Aqalka Sare Ee Jubbaland Oo la Shaaciyay

Heemaall

Madaxweynaha Jubbaland Oo Baaq U Diray Beesha Caalamka.

Heemaall