Somaliand Oo War kasoo Saartay Shirkado Diyaaradeed Oo Hore Shaqada Uga Joojisay.

Somaliland ayaa War ka soo saartay sababaha keenay in shaqada laga joojiyo shirkado dayuuradeed oo caalami ah kuwaasoo dhowaan ay shaqo shaqo joojin ku sameysay waaxda duulista hawada ee Maamulkaasi.

“Golaha Wasiirada Somaliland iyagoo garowsan baahida dalku u qabo shirkado caalamiya iyo iskaashi dhaqaale, waxa uu dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay golaha Wasiirada Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.

Golaha Wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi, waxaana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci ah maadaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay diyaaradahaasi.

Sidaa awgeed, golaha wasiiradu waxa uu isku raacay qodobada soo socda:-

1 In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka.

2 In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada.

3 In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy