Heemaal News Network
somali

Somaliland Oo Beenisay Inay Madaxda Somaliya kasoo Qayb-gali karan Aaska AHUN Hadraawi

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo ah Gudoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Aaska Qaranka ee loo samaynayo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo maanta ku geeryooday Magaalada Hargeysa.

Warsaxaaafadeed kasoo baxay caawa ayaa lagu beeniyay in xukuumada ay ogolaatay inay madaxda Somaliya kasoo qayb-gali karaan aaska marxuum Hadraawi, waxaana lagu sheegay in warbaahinta ay si khaldan u turjuntey hadalkii Wasiirka, iyagoo ka dhigay in uu ogolaaday in ay Aaska ka soo qayb geli karaan Madaxda Soomaaliya, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu sheegay oo keli ah haddii cidi ka soo codsato ay markaa ka wajaabayaa, balse aanu jirin warka ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta madax banaan.

Waxaanu bulshada Somaliland, u cadaynaynaa in warkaasi yahay been abuur cad oo aan sal iyo raadtoona lahayn, ciddii faafisay been abuurkaa waa lagula xisaabtama.

Ugu denbeyntii wasiirka waxa uu Saxaafadda Madaxa Banaan uga digayaa in aanay siyaasadayn Aaska Qaranka ee loo samaynayo Abwaankii waynaa Ibraahim Maxamed Warsame (Hadraawi).

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Related posts

Xisbiga Waddani Oo Ogolaaday Inuu Iska-diwaangaliyo Guddida Diwaangalinta Urrurada

Heemaall

Farmaajo Oo loo Dhaariyay Xildhibaan ka Tirsan Golaha Shacabka.

Heemaall

Raila Odinga Oo loo Diiday in loo Furo Qalabka Codadka Doorashada.

Heemaall