Heemaal News Network

Somaliland Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lix Qof

Somaliland ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay lix Nin oo hore Maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen, kuwaas oo la sheegay inay dil geysteen.

Lixda Nin ayaa muddo u xirnaa Soomaaliland, waxaana Maanta lagu toogtay fagaaro ku yaalla duleedka Xabsiga deegaanka Mandheera gobolka Saaxil, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen ehelada dadka la dilay iyo kuwa wax dilay iyo sidoo kale mas’uuliyiinta Maxkamadda Gobolka Saaxil.

Ragga dilka toogashada ah lagu fuliyay maanta ee la toogtay ayaa waxaa dilkooda saxiixay Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, kaddib markii xukun lagu riday, waxaana ay kala yihiin Magacyadooda.

1- Yaasiin Maxamed Yuusuf

2-Sharmaarke Sahal Oogle

3-Quulle Maxamed Cilmi

4-Khaalid Cabdi Xaydar

5-khadar Maxamed Warsame

6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.

Related posts

Qodobo Xasaasi ah Oo Laga soo Saaray Shirweynaha Beelaha Hawiye Ee Muqdisho.(Akhriso)

Heemaall

Xukuumada Faransiiska Oo Duulaan Ku Qaadaysa Masaajidyada Ku Yaala dalkeega

Heemaal

Golaha Wasiirada Somaiya Oo Maanta ka Dooday Arrimaha Doorashooyinka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More