Somaliland Oo Gacanta ku Dhigtay Dad Faafinayay Diinta Masiixiyadda.

Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland gaanshaanle sare Feysal Xiis Cilmi ayaa waxa uu sheegay iney gacanta kusoo dhigeen laba qof oo Somaliland ku dhex faafinayay diinta masiixiyadda.

Labadan qof oo uusan sheegin magacyadooda ayaa waxa uu qeexay in xogtooda ay ciidamadu heleen kadibna ay sameeyeen daba-gal, illaa ugu dembeyn gacanta lagusoo dhigo.

Gaashaanle sare Feysal Xiis Cilmi ayaa waxa uu tilmaamay in shakhsiyaadka ay soo qabteen ee faafinayay diinta Kirishtaanka ay markii hore ahaayeen, muslimiin ka baxay diinta Islaamka.

“Labadaan ruux waxay si wanaagsan u yaqaannaan diinta Islaamka, way ka baxeen, haddana waxay faafinayeen diinta Kirishtaanka” ayuu Afhayeen Xiis u sheegay warbaahinta Somaliland.

Dhinaca kale, waxa uu digniin ujeediyay, dadka tallaabooyinka noocaan oo kale ah qaadi kara iney ka waantoobaan.

Ugu dembeyn booliska Somaliland ayaa tilmaamay in dadka ay soo qabteen ay ku wareejin doonaan hay’adaha cadaaladda.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy