Somaliland Oo Gef ku Tilmaamtay Qoraal kasoo Baxay Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Somaliya..

Somaliland ayaa ku tilmaamtay gef weyn qoraal dhawaan kasoo baxay gudoomiyaha barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, qoralkaas oo ahaa magacaabidda guddiga qaban qaabada doorashada xidhibaanada gobolada waqooyi (Somaliland) u matalaya barlamaanka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay hadalka kasoo yeeray golaha aqalka sare ee ah in wakiilada Somaliland metelaya lagu dooranayo Xamar, ay tahay meelka dhac iyo gef loola badheedhayo jiritaanka maamulkooda

“Qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland waxay sheegtay inay ciqaab adag mudan doonaan ciddii ka qayb-gasha doorashooyinka ka dhacaya Muqdisho.

Hadalka Somaliland, ayaa kusoo aadaya iyadoo afar sano kasta Muqdisho lagu doorto xildhibaanada kasoo jeeda goboladaas ee ku biiraya barlamanka Soomaaliya.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy