Heemaal News Network
somali

Somaliland Oo Go’aano kasoo Saartay Amniga Gobolka Sool.

Guddiga Nabadgelyada Gobolka Sool ee Soomaaliland oo shir ku yeeshay Magaalada laas-caanood ayaa soo saaray sideed qodob oo lagu adkaynayo Nabedgalyada Gobolkaas.

Qodobada ayaa waxaa ugu muhiimsan in la mamnuucay qaadashada hubka sharci darrada ah iyo qodobo kale oo muhiim u ah Amniga Gobolka Sool.

Hoos Ka Akhriso Go’aanada kasoo baxay Guddiga Nabadgelyada Gobolka Sool ee Soomaaliland.

1- Qabashada Hubka

2- Gadiidka aan Taarikada lahayn

3- Adkaynta Nabadgelyada Wakhtiga kala guurka

4-Qoriga la qabto in lahaynayo Saddex bilood oo u dhiganta 90 cisho

5- Qofkii aan Ciidan ahayn ee lagu qabto Tuute isagoo xiran sharciga in la horgaynayo.

6- in aan hub lagu qaadan karin magaalada dhexdeeda qofkii lagu qabtananuu yahay dambiile sharcigaana la horgaynayo.

7-Baabuurta wareegta Saacadaha dambe habeenkii ee la garan waayo shaqada ay hayaan in la qabanayo.

8-Baabuurta Bersoll (Bacda lagu dhajiyo Muraayada) leh waa laga goynayaa.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Doortay Guddoon KMG ah.

Heemaall

Dagaal Maanta Mar kale ka Dhex-qarxay Somalida Iyo Canfarta Oo ka Socda Gobolka Siti

Heemaall

Xisbiga Waddani Oo Si Adag Uga Hadlay Dibu Dhista Doorashada Golaha Deegaanka Borama.

Heemaall