Heemaal News Network

Somaliland Oo Heshiis Dhinaca Amniga ah la Saxiixatay Jabuuti.

Dowladda Jabuuti iyo Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero aragagixisada iyo isku gudbinta dambiilayaasha maadama ay xudduud wadaagaan.

Heshiiska waxaa labada dhinaca u kala saxeexay taliyeyaasha booliska Somaliland iyo Jabuuti, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh.

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya kajooga Ciidamo farabadan, oo ku howlgalla Magaca AMISOM, kuwaas oo ku sugan inta badan degmoyinka Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Jabuuti ayaa dhowr jeer hehsiisyo isugu jira, Ganacsi iyo Amni waxaa ay la saxiixatay Soomaaliland, iyaga oo sidoo kale casuumay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Related posts

Shirkada Dhismaha Ayro Ee Boorama Oo soo Bandhigtay Waxqabadkoodii Iyo Dhismayaal Casri ah.

Heemaall

Mursal Oo Loogu Baaqay In Uu Farmaajo Caawa Kala Wareego Xilka

Heemaal

Maxaa Kala Qabsaday Libaax Iyo Eey Dagaal Wada Galay?

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More