Heemaal News Network
somali

Somaliland Oo ku Dhawaaqday Xeer Lagu Xakameynayo Adeegsiga Baraha Bulshada.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay sameyneyso xeer lagu xakameyn doono adeegsiga Baraha Bulshada, gaar ahaan wararka been-abuurka ah iyo dhaqamada xun xun, ee lagu baahiyo Barahaasi Bulshada.

Qoraalkan oo ay soo saartey wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, oo labaddii maalmood ee u danbeysay wadey shir ku saabsan adeegsiga teknolojiyadda, kaasoo ah mid sanadla ah.

Wasiirka isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Somaliland, Cabdulwali Sheekh Cabdullaahi Suufi, ayaa sheegay in talaabadani u danbeysay go’aankeeda la gaarey markii ay cadaatey in qiyamka dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida uu faraha kasii baxayo.

Wuxuu intaa ku darey wasiirka in Baraha Bulshada ay abuuraan dhibaatooyin kala duwan, waa siduu hadalka u dhigaye, sida been abuur, isku dir iyo waxyaabo ka fog.

Related posts

Wariye Shaqada Uga Tagay Dagaalka Somalida iyo Canfarta Ee ka Oogan Itoobiya

Heemaall

W/Waxbarashada Somaliya Oo soo Bandhigtay Habka ay Uqeybisay Deeq Waxbarasho Ee Laga Helay Masar

Heemaall

Feeryahanka ku Dhawaaqay Musharxnimada Madaxwaynaha Philippinein Oo Lagu kala Jabay.

Heemaall