Heemaal News Network
Soomaaliya

Somaliland Oo Labbo Macalin Oo Kale Ka Kaxaystay Malcaamad Quraan

Ciidamada Somaliland ayaa Talaadadii laba nin oo macalimiin ahaa ka kaxeystay malcaamad ku taala Magaalada Hargeysa, sababo aan illaa iyo hadda la shaacin.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da ayaa labadaasi macalin ka soo qabtay malcaamad Qur’aanka Kariimka lagu bartao oo ku taala xaafadda Jarrato.

Ciidamada ayaa gaari ay wateen ku kaxeystay labadaasi nin, kuwaa oo aan la garanayn goobta ay la taggeen, mana jirto cid ka hadashay xarigooda.

Toddobadkii hore ayay ahayd markii ciidamada ay sidaan oo kale laba macalin uga soo qabteen malcaamad kale oo Qur’aanka lagu barto, kuna taala xaafadda Calaamadaha ee Magaalada Hargeysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More