Heemaal News Network
somali

Somaliland Oo Mamnuucday Kal-Fadhiyada Golayaasha Deegaanka.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa hakisay qabashada fadhiyada aan caadiga ahayn ee golayaasha deegaanada Somaliland, waxaana lagu eedeeyay in ay bilaabeen mooshino deg deg ah oo xilalka lagaga qaadayo mayarada.

“Iyagoo golayaasha deegaanka ee Somaliland ay shaqaynayeen muddo yar, ayaa hadana waxa soo baxday in galayaasha deegaanka qaarkood ay bilaabeen in ay si fowdo ah u abaabulaan mooshin lagu qabanayo kalfadhi aan caadi ahayn” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha.

Amarka wasaarada arrimaha gudaha ayaa soo baxay xili qaar kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gabilay, ay abaabulayaan mooshin lagu doonayo in xilka lagaga qaado duqa magaalada Gabilay, kadib, markii ay ku eedeeyeen musuq maasuq.

Halkan ka Akhriso Amarka:-

Related posts

Somaliland Oo Shaaciyay In La Xidhay Macalimiin Ka Qayb Qaadatay Qishka.

Heemaall

Gudomiyaha Awdal Oo Xilkii U Kala Wareejiyay Kuxigeenkiisii Hore Iyo Ka Cusub Ee Gobolka loosoo Magacabay.

Heemaall

Gudida Beelaha Garxajis Oo ka Digay Fara-galinta Doorashada Shir-gudoonka.

Heemaall