Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Laga Hirgaliyey Keydka Siidhka Beeraha.

Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland,ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan dalka laga mamnuucay siidhadhka ama shinnida dalagyada kala duwan ee dibedda laga keenayay isla markaana dalka loo sameeyay kayd shinni ama siidhka beeraha oo kala duwan oo ah shinnidii dalka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ka hadlay sababta loo joojiyay siidhkii dalka dibedda ka ka soo gali jiray iyo ka lagu bedelay,ayaa tilmaamay in siidhadhka dibad laga keenka ah ee laga ganacsadaa ay sabab u yihiin dhibaatooyin badan oo beeraha dalagyadii ka soo gu’I lahaa waxyeeleeyay,waxaanu intaa raaciyay in dalka loos sameeyay kayd Siidh oo hadda ay ku kaydiyeen soddon kun oo tan oo siidhadh beereed kala duwan ah.

Waxaanu wasiirku sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay VOA-Somali.

Wasiir Seed oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “siidhku debadda ayuu ka iman jiray oo ganacsi ayuu galay adduunkana waddan iska furan oo siidhka la geeyaa ma jiro , markaan xilka la wareegnay khubarro cilmiga beeraha bartay ayaanu talo badan is waydinay , waxaanan ogaanay in siidhka waddanka meel walba kasoo gelayaa uu dhibaatooyin ku hayo , waxaanan ogaanay in siidhka debedda ka imanayaa aanu ku habboonayn carrada dalka , markaa waanu joojinay, goob walba oo dalka lagasoo galana waxaanu dhignay waraaq qoraal ah oo sheegaysa in wixii siidh ah ee debedda ka imanayey aanu joojinay”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay“Waxa aanu beernay siidhkii oo kala duwan waxaanan kayd ka dhignay aburriin oonu ugu talo galnay in lagu kaydiyo siidhka dalka Sannadka 2018 ,waxaanu soo saarnay illaa soddon kun oo tan oo aanu ka beernay deegaano kala duwan illaa imika waxa lagusoo ururiyaa aburriin .”

Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha wasaaradda ee wakhtiga dhaw,ayaa yidhi “Waxa noo qorshaysan in sannadka soo socda aanu beeralayda siino siidhka, Intii xukuumaddaydu joogtay tababarrada meel walba waanu uga furnay beeralayda, waxaa naga caawiyey hay’ado badan sida FOA, iyo kuwa kale oo badan , imika waxa aanu ku dedaalnay in qofkasta oo beeralay ah oo ku nool dalka Somaliland hadday tahay khudaarley ama beer roobaad , waxaanu u gaynay qalab, waxaanu samaynay koox illaa afar baabuur ah oo gobol iyo degmo walba afar habeen wareegaya oo dadka tababar u samaynaaya , dawooyinkana ka cawinayaa”