Heemaal News Network

Somaliland Oo Maxkamad Ugu Hanjabay Ciyaartoy ka Qeyb-gashay Tartankii Maamul Goboleedyada.

Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan lagu soo gabo gabeeyay tartanka kubadda cagta ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ka qeyb galeen ciyaartoy kala duwan oo ka kala yimid gobolada dalka.

Tartanka intii uu socday waxaa ka qeyb galay ciyaartoy deegaan ahaan kasoo jeeda maamulka Somaliland kuwaa oo badankood tartanka ku matalayay xulka kubada cagta Puntland.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Soomaaliland Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono ciyaartoyda kasoo jeeda Somaliland ee tartankaasi ka qeyb gashay.

Waxa uu sheegay Agaasimaha in dambiile qaran u aqoonsanayaan cid kasta oo magac aan aheyn kan Soomaaliland uga qeyb gasha tartan , waxa uuna xusay in kaliya lagu cafin karo in Madaxweynaha cafis ka dalbadaan.

Cabdirashiid Yaasiin ayaa cadeeyay in Hay’adaha Amniga Soomaaliland iyo Xeer ilaalinta ay u gudbiyeen magacyada Ciyaartooydaas, isla markaan markii ay dib ugu soo laabtaan degaannada soomaaliland la xiri doono lana soo taagi doono Maxkamad.

Ciyaartow kasoo jeeda deegaanada Somaliland kana qeyb gashay tartankii gobolada Somaliland ayaa ka qeyb galay tartanka ciyaaraha Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay ku guuleesteen xulka kubada cagta ee Gobolka Banadair.

Related posts

Rasaas Lagu kala Eryay Dad Banaanbax ka Dhigayay Gaalkacayo.(Sawiro)

Heemaall

Musharaxa Bobi Wine Oo ku Dhawaaqay Inuu ku Guuleystay Doorashadii Ugandha.

Heemaall

Taageerayaal Careysan Oo Rabshado ka Wada Magaalada Hargeysa.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More