Heemaal News Network
Soomaaliya

Somaliland Oo Tikniko U Dirtay Baabiinta Beero ay Qoteen Barakacayaashii Gargaara Ee Deg. Lughaya.

Ciidan RRU ah oo ku hubaysan Tikniko oo uu hogaaminayo Taliyaha Qaybta Gobolka Awdal oo amar ka wata Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa u ruqaansaday dhinaca degmada Lughaya si ay cagta u mariyaan beero ay dadka degaankaas Lughaya ee ay duufaantii Sagar barakicisay, xoolahiina ka dhamaysay ay qoteen si ay nolol maalmeed uga dayaan.

Degaanada beeraha laga qotay ee ciidanka loo diray ayaa kala ah degaanada Osoli, Biyo-kulul, Jeerin iyo Gargaara oo ay dadkii soo barakacay ka qoteen beero kadib markii ay hadalo dhiiri galin ah ka maqleen Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo waqtigii ay duufaanta Sagar dhacday booqday Gargaara, uguna baaqay dadka in ay biyaha soo baxay ka faaiidaystaan oo ay tacabka beeraha ku forarsadaan.

Oday dhaqameedka degaanka ayaa arintan gows-qaniin ka muujiyay sida uu sheegay Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo shabakada la soo xidhiidhay waxana uu yidhi “Waa arin jirta oo dhabar jab ku ah nolosha dadka degaankaas iyo gobol nabadeed oo ay odayaasha dhaqanku Lughaya dhigeen, waana mashruuc uu wasiir Ina-kaahin wato, meel uu ka soo qaatay-ba, waxase layaabka ugu wayni uu yahay in xukuumadu ay ku raacday in dadkii duufaantii Sagar barakicisay ee ay u gurman wayday in ay ka macaashaan mooyaane ay tacabkii dhulka kala soo baxayeen ka cunaqabayso”

Suldaan Abshir oo hadalka sii wata ayaa yidhi “Ma jirto wax balo ah oo ka aloosan Lughaya hada, waxase uu Ina-kaahin u muuqdaa mid isagu balo aloos ah, wayna cadahay taasi oo waxa la leeyahay waxa uu amar ku bixiyay in beeraha ugubka ah ee Gargaara laga bilaabay oo kaliya la baabiiyo”

“Mashruucan uu wato ina-kaahin ma fahmi karo waxa uu yahay macaashkiisu, waxase uu u muuqdaa mid aan Somaliland meel wanaagsan ku wadin, beelaha Maxad Case waxa uu ku quja-qujaynayaa qori mudac ah oo caaradiisu ololayso, waxa uu ku guubaaninayaa inay dagaalamaan, waxa uu leeyhay masuuliyada waxii ka dhacay Saylac, Lughaya maanta ayuu ciidan ku saaray oo uu yidhi cagta mariya, horena waxaan u ogayn in uu Qeybka ka sii dardaar wariyay oo uu tilmaamay in degaankaas xeebta ah ay ka soo socoto mid ka daran tan ceel-afwayn ka taagan, waxana aan sheegayaa in masuuliyada waxa ay dhasho uu leeyahay Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi oo ka dhago adaygay inuu mashruuca uu wato Ina-kaahin hoos u eego”ayuu hadalka kusoo afmeeray.

Siday doonto ha ku damaysee, ciidanka maanta ka baxay Boorama ayaa lagu wadaa in ay Bari gaadhaan degaanka Gargaara, waxana laga dhur sugayaa waxa uu xaalku ku dambeeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More