Heemaal News Network

Somaliland Oo Tiro Dad ah Usoo Xir-xiray Weerar Lagu Qaaday Goob ay ka Socotay Diwaangalinta Laascaanood

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood.

Weerarka oo lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 3 qof oo isugu jiro askar & shacab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo xalay howl-gallo ka sameeyey gudaha magaaladaasi ay xireen dad dhowr ah oo looga shakisan yahay weerarkaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dadka la soo qabtay ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan ku lug-lahaanshaha qaraxaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyada oo uu si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dadka iyo gaadiidka.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan, iyada oo ay howl-gallo ka bilaabeen ciidanka Somaliland.

Related posts

Dawlada Oo Ciidamada Tigreyga ku Eedeysay Xasuuqii ka Dhacay Iyo 250 Qof Oo Lagu Xir-xiray Adis-ababa.

Heemaall

Qoorqoor Iyo Danni Oo Ku Kulmay Gaalkacyo Iskuna Soo Dhawaaday

Heemaal

Amniga Magaalooyinka Waaweyn Ee Faranciiska Oo la Adkeeyay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More