Heemaal News Network
somali

Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga Wadani.

Xukuumada Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay Cabdillaahi Xasan Xirsi, Ibraahim Cabdi Xuseen oo ka sharaxan xisbiga UCID iyo Qaasim Adan Saleebaan oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

Musharax Ibraahim Cabdi Xuseen ahna xogeeyaha diinta iyo awqaafta ee xisbiga UCID, ayaa ka sharaxan gobolka Maroodijeex halka uu Cabdillaahi Xasan Xirsi na ka sharaxan yahay gobolka Saxil.

Musharax Qaasim Adan Saleebaan aya isaguna xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uga sharaxan gobolka Sool, waxana jira sawiro uu la galay qaar kamida madaxda dowlada Soomaaliya oo maalmihii u danbeeyay baraha bulshada ku faafay.

Majirto cid ilaa hada si rasmiya uga hadashay xadhiga musharixiinta.

Xukuumada Somaliland, ayaa xabsiyada dhigtay tirro musharixiin ah tan iyo markii ay bilaabantay xulista musharixiinta doorashada 31 May, iyadoo markii danbena lasii daayay iyadoo aan xukun maxkameed ku dhicin dhamaantood ba.

Related posts

Haween ka Mid Noqday Markii Ugu Horeysay Ilaalada Xaramka.(Sawiro)

Heemaall

Madaxtooyada Oo War kasoo Saartay Shirkii Guddiga Amniga Qaranka Ee loo Balansanaa.

Heemaall

Faysal Cali Waraabe Oo ka Hadlay Guusha Doorashadii Shir Gudoonka, Eedeyay-na M/Biixi.

Heemaall