Heemaal News Network
Soomaaliya

Somaliland Oo Xeebaha Saylac ku Qabtay Afar Markab Kaluumaysi Oo Laga Leeyahay Masar.

Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa qabtay illaa Afar Markab oo si Sharci-darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha galbeedka Somaliland.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa Afar Markab oo sifo sharci darro ah uga Kaluumaysanayey Xeebaha galbeed ee Somaliland ayey gacanta ku soo dhigeen, sida uu xaqiijiyay mid kamid ah Saraakiisha ka tirsan ciidamada Somaliland.

Afartan Markab oo la sheegay in laga lahaa dalka Masar, ayaa waxa saarnaa Tobanaan shaqaale ah, kuwaasi oo iyagana ay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee kuwa fadhigoodu yahay gobolka Selel.

Xukuumada Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore gacanta ku soo dhigtay Ajaanib sifo sharci darro ah uga howl-galayey gudaha deegaanadeeda, iyadoona hore u soo saartay digniino ku aadan Maraakiibta sifooyinka sharci darada ah uga kaluumaysta Xeebaheeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More